U bood dhigaalka

Madaxweynaha K/Galbeed Oo Magacaabey Guddi u Xil-saran Baarista dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa magacaabay guddi u xilsaaran Baarista Dhacdadii 9kii Bishan August 2019 ka dhacday Baydhabo,taasoo ahayd dad halkaasi lagu dilay.

Guddigan oo ka kooban ilaa 9 xubnood ayaa isugu jira xubnaha golayaasha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,laamaha ammaanka,maamulada gobolka iyo kan degmada Baydhabo,waxaana ay baaritaan ku sameyn doonaan dhowr qof oo siyaabo kala duwan dilal loogu geystay magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhawaan hadal uu jeediyay waxaa uu ku sheegay in aan loo baahnayn in xiligan colaado sokeeye dib loogu laabto,taasi oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku ah horumarka bulshada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdulcasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka,si looga guuleysto cadowga Alshabaab.

Dadkii dhawaan la dilay waxaa kamid ahaa Siyaasi hore ahaana ganacsade caan ahaa Marxuum Cali Aadan(Marguus),taasi oo ay ka nexeen bulshada Soomaaliyeed, guud ahaan gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii xubnaha Guddiga ayaa markii ay soo gebagebeeyan baaristooda waxaa looga fadhiyaa in ay soo gudbiyaan si loo wajoho ka hortaga dhibaato kale iyo waxyaabihii sababay intuba.

Hadaba halkan hoose ka akhriso xubnaha guddigan

Goobjoog News