U bood dhigaalka

Madaxweynaha Kenya “Ciidamadeenu Waa Sii Joogayaan Soomaaliya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markale ku celiyey in ciidamada dalkiisa aysan kasoo bixi doonin Soomaaliya illaa inta laga ciribtirayo Alshabaab sida uu hadalka u dhigey.

Waxa uu meesha ka saaray in uu jiro wax qorshe ah oo loo dajiyey ciidamada Kenya in ay kaga soo baxaan Soomaaliya xili cayiman.

Uhuru ayaa hadalkani ka sheegey kulan ay lahaayeen wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya shirkii Midoowga Africa ee dhawaanta ka dhacay dalka Koonfur Afrika.

“Waxaan nahay qaran tixgalinaya, islamarkaasina aqoonsan xoriyadda qof kasta uu u leeyahay in uu wax caabudo, mana ogolaaneyno in qof kale uu nagu qasbo wax aanan ahayn qaab nololeedkeena” ayuu yiri Uhuru oo war qoraal ah soo saaray, hadalkanina ula jeedey ururka Alshabaab oo sheegey in dagaalka ay Kenya ka wadaan ay ku doonayaan in diinta Islaamka ay halkaasi gaarsiiyaan.

Bishii lasoo dhaafay guddoomiyaha guddiga amniga iyo arrimaha dibada ee aqalka sare ee Kenya Yuusuf Xaaji ayaa ka shanqariyey in Kenya ay dajisey qorshe lagula dagaalamayo amni darada ka jirta Kenya, isaga oo soo hadal qaaday in ciidamada Kenya ay Soomaaliya kasoo dhamaan doonaan si xoogga loo saaro amniga gudaha.

Tani ayaa waxa ay dhalisey hadal heyn badan in ciidamada Kenya ay kasoo baxayaan Soomaaliya.

Ciidamada Kenya waxa ay Soomaaliya u talaabeen sanadkii 2011-kii kadib markii weeraro iyo afduubyo isdaba joog ah laga geystey gudaha Kenya, falalkaasi oo lagu eedeeyey Alshabaab.

Goobjoog News