U bood dhigaalka

Madaxweynaha Khaatumo Oo Ka Hadlay Sababta Ay Wada Hadal Ula Geli La Yihiin Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa in wax wada hadal ah aaney la yeelan maamulka Puntland, maadaama maamulkiisa wada hadal la galayo Somaliland.

Galeyr ayaa sheegay in Puntland aaney diyaar u ahayn in wada hadal ay la gasho Khaatumo, taasina ay tahay midda kaliya ee soo dedejisay in Labada dhinac wada hadlin.

“Somaliland waxay ogolaatay iney wada hadal nala galaan, Puntland ma dooneyso iney wada hadal nala gasho, annaga waxaan diyaaar u nahay in cid walbo oo ka shaqeyneysa nabadda aan wada hadal la yeelano”

Galeyr oo saxaafaddda la hadlayey ayaa dhinaca kale meesha ka saaray in wada hadalka maamulkiisa kula jiro Somaliland ay tahay mid isaga uu xil kaga doonayo maamulkaasi ama wax la mid ah.

“Waan idiin sheegayaa haddii aan nimankaasi heshiinno inta aan xilka hayo aniga aniga Hargeysa shaqo uma qabanayo, madaxweynaheeda ayaan rabin oo wasiir baan rabin” ayuu yiri Galeyr.

Maamulka Khaatumo ayaa wada hadal kula jira Somaliland, waxaana maamulkaasi uu sheegaa inuu ka arrimiyo gobollada Sool iyo Sanaag.

Goobjoog News