U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Lacag Loo Haysto

Sheeko:Amniga

Cyril Ramaphosa  madaxweynaha dalka Koonfur Afrika , ayaa wajahaya baariska dhan ah shaqsiyaddiisa kadib markii uu ku fashilmay in uu cadeeyo lacag dhan 4 milyan oo dollar oo laga xaday beertiisa oo ku taalla gobalka Limpopo.

Ramaphosa ayaa laga xaday beertiisa lacagta, xilli uu marqaati ku furay madaxii hore ee sirdoonka dalka Koonfur Afrika Arthur Fraser, kaas oo sheegay in kiiska madaxweynaha uu markhaati ka noqonayo.

Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa dhankiisa aan iska fogeynin eedda loo haysto, balse waxa uu sheegay in madaxada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha uu ku wargeliyay lacagta la dhacay, isagana uusan u gudbin booliiska ka hor inta aanan lagu soo eedeynin dambigaan.

“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo in aanan ku lug lahayn wax fal dambiyeed ah, waxaanna mar kale ballan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono nooc kasta oo baadhitaan ah,” ayuu yiri madaxweyne Ramaphosa oo  ka hadlay dhacdadan.

“Waxaan rabaa inaan sheego inaan ahay beeraley ahay, waxaan ku dhex jiraa ganacsiga Lo’da iyo ugaadha, ganacsigaas oo baarlamaanku ka warhayo, waxaan soo iibsadaa xoolaha nool ka dib dib ayaan u sii iibiyaa” ayuu sii raaciyey

Sida lagu sheegay warqadda markhaatiga ee madaxii hore ee sirdoonka dalka Koonfur Afrika, madaxweynaha ayaa la sheegay in uu isku dayay in kiiskaan uu qariyo.

Lacagtaan ayaa la xaday bishii February ee sanadkii 2020, taas oo tan iyo illa iyo xilligaan la qarinayay, ka hor inta aysan dambabaaristu ogaan.

Goobjoog News