U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Beydhaba ka Furay Shir ku Saabsan Yareynta Isticmaalka iyo Joojinta Dhoofka Dhuxusha

Shirkan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa joogteynta yareynta isticmaalka dhuxusha, JoojintaDhoofka Dhuxusha iyo Sidii shaqooyin kale loogu abuuri lahaa dadka ku howlan xaalufinta dhirta, waxaana furitaankiisa ka qeyb galay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS, Wasiirada Arimaha deegaanka ee Dowlad Gobaleedyada da’ka iyo aqoonyahano ku xeel dheer dhanka deegaanka.

Wasiirda Dowlad Gobaleedyada ee shirka kasoo qeyb galey ayaa isla qirey in ay waajib tahay in wax laga qabto xaalufka deegaanka, Joojinta Dhoofka Dhixusha iyo in shaqo abuur loo sameeyo dadka dhir jarista ku xoogsada ee nolosha ka raadiya.

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Ayaa sheegay inuu shirkan biloow u yahay barnaamijyo ay Wasaaraddu ugu talogashay in looga hortago xaalufinta dhirta iyo in bulshada laga wacygaliyo qataraha laga dhaxli karo xaalufinta deegaanka oo hadaan laga hortagin oo aan meel looga soo wada jeesan sababi kara qataro badan sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya ayaa dhanka kale ballanqaaday in sanadkan gudihiisa ay dalka oo dhan ka abuuri doonaan Hal Milyan oo geed si loo wanaajiyo arimaha deegaanka, islamarkaana ay dhowaan Golaha wasiirada geyn doonaan Sharci Ciqaabeed lagu xakamaynaayo dadka ka shaqeeya Dhoofka xoolaha .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo shirka furay ayaa sheegey in Koonfur Galbeed ay wax weyn uga dhigan tahay in ay marta geliso shirkan caalamiga ah ee looga hadlayo dhibaatada xaalufka dhirta , wuxuuna tilmaamay inuu ku rajo weynyahay in ay kulanka kasoo baxaan go’aano wax ku oola oo dalka anfaca .

Dhinaca kale Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Ayaa ku dheeraaday ka hadalka qiimaha ay dhirtu leedahay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in si wadajira loogu istaago sidii loo joojin lahaa dhoofinta dhuxusha oo dhibaatooyin badan horseedda

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS ayaa muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed maadaama dhirtu ay lagama maarmaan u tahay deegaanka iyo noolaha intaba.

Goobjoog News