U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kasoo Laabtay Safar Itoobiya

Sheeko:Dalka

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kusoo laabtay magaalada Baydhabo waxana uuna ka warbixiyey safarkii todobaad ka badan uu ku joogey dalka Itoobiya.

Waxa uu Shariif sheegey in madaxda Itoobiya ay ka wadahadleen arrimo la xiriira amniga iyo iskaashigyo kale.

Intii uu ku sugnaa Itoobiya waxaa isna halkaasi ku sugnaa madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ay xurguf siyaasadeed soo kala dhexgashay labada dhinac, waxaana jirtey in dowladda Itoobiya ay kala dhexgashay labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibada Itoobiye Tedhros Adonom oo hadlay ayaa sheegey in ay muhiim tahay in Soomaalida ay iyaga dhexdooda dhameystaan wixii muran ah iyada oo aanan cid kale soo dhexgalin.

Dhanka kale waxa uu Shariif Xasan ka tacsiyeeyey qasaarihii ka dhashay weerarkii Alshabaab ay ku qaaday deegaanka Leego ee gobolka Shabeelada Hoose , halkaasi oo askar badan oo AMISOM ah lagu laayay.

Goobjoog News