U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa Digreeto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay taliyaha cusub ee Nabad sugidda magaalada Baydhaba.

Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow) ayaa loo magacaabay taliyaha Nabad sugidda magaalada Baydhabo, sida lagu xusay Digreetada.

Shariif Xasan ayaa sheegay in taliyahaan cusub uu yahay shaqsi kasoo bixi kara howsha loo igmaday, sidoo kalena uu yahay nin kala yaqaan dadka ku dhaqan magaalada Baydhaba.

Maxamed Aflow oo noqonaya taliyaha cusub ee ciidamada Nabad sugidda magaalada Baydho ayaa horay waxa uu usoo noqday xoghayaha maamulka gobalka Baay iyo sidoo kale madaxii maaliyadda magaalada Baydhaba.

Goobjoog News