U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Iyo Nicholas Kay Oo Maanta Gaaray Degmada Baraawe

Sheeko:Dalka

ShariifkaMagaalada Baraawe oo xarun u noqonaysa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta waxaa gaaray madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Diyaarad Helicopter ah ayaa masuuliyiintaan halkaasi geysay, iyadoo si diiran ay usoo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose iyo maamulka degmadaasi.

Mas’uuliyiinta maamulka degmada Baraawe ee dowladda Soomaaliya ayaa inoo sheegay in ururada Bulshada iyo dadweyne badan ay soo dhaweeyeen hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Nicholas Kay, iyaga oo mas’uuliyiintaan bilaabay in kulamo ay la yeeshaan maamulka iyo waxgaradka degmadaasi.

Booqashadaan ee Shariif Xasan iyo xubnahaan uu horkacayo ay ku tageen degmada Baraawe waxay ahayd mid aan horay loo sii shaacin, waxaana amaanka guud ee degmada Baraawe ay tahay mid ay aad u sugayaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Degmada Baraawe ayaa xarun u noqonaysa maamulka Koonfur Galbeed, waxaana uljeedka socdaalka Shariif Xasan ka mid ah sidii uu usoo indha indheyn lahaa xaaladda guud ee degmadaasi oo dhawaan xaruntooda ugu weyn noqoneysa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoo News