U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfurta Sudan Oo Aqbalay In Dalkiisa La Geeyo Ciidamo Shisheeye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Koofurta Sudan ayaa aqbalay in la geeyo wadankiisa ciidamo shisheeye oo tiradoodu gaareysa 4-kun oo askari kuwaa oo ka socda golaha amaaanka ee Qaramada Midoobay.

Warkaan ayaa imaanaya kadib kulan ay wada qaateen madaxweyne  Salvakir iyo wafdi ka socda golaha amaaanka ee qaramada midoobay ,kulankaa oo ka dhacay caasimadda Jubba.

Madaxweyne Salvakiir ayaa horay u diiday in ciidamo shisheeye la geeyo wadankiisa taas oo uu ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida wadankiisa.

Wadanka Sudanta Koonfureed ayaa waxaa ka dhacay dagaallo aad u qaraar kuwaas oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Sudaanta Koonfureed iyo kooxaha mucaaradka hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Salvakiir, dagaalkaas oo gallaaftay nolosha ku dhowaad 300 oo ruux iyo dhaawaca intaa ka badan, sidoo kale kumaaan dad aya iskaga barakacay Jubba.

Goobjoog News