U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Oo Sheegay Inuu Ka Shaqeyn Doono Nabadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Ker ayaa sheegay inuu joogteynayo sidii uu dalkiisa ugu soo dabaali lahaa nabad gelyo, waxaa uu tilmaamay inuu ka xunyahay cabashada muwaadiniinta ee ku aadan sii socoshada dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.

Madaxweyne Salva Ker ayaa ka codsaday muwaadiniinta in si siman ay ugala shaqeeyaan sidii koofurta Suudaan loogu furi lahaa bog cusub.

Suudaanta Koofureed oo ka go’day suunta kale sanadkii 2011, ayaa waxaa ragaadiyey dagaalo sokeeye oo u dhaxeeya dowladda iyo xoogagga mucaaradka.

Dagaalka ayaa ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya kumanaan qof,halka ay barakaceen boqolaal kale, ma uusana guuleysan heshiiskii nabadgeylo ee la saxiixay 2015 kii.

Goobjoog News