U bood dhigaalka

Madaxweynaha “Ma Jiro Warka Isku Shaandheynta Wasiirada”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxweynaha ayaa sheegey in been abuur ay yihiin wararka sheegaya in isku shaandheyn lagu sameyn doono golaha wasiiradda.

Balse madaxweynaha ayaa cadeeyey in wasiirkii xilkiisa gudan waaya laga qaadi doono xilka.

Waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha khilaafka ka dhashay ee baarlamaanka Jubbaland, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo, dad wax dhaliilsana ay u hoggaansamaan guddiga ay dowladda u saartay dhameynta cabashada laga qabo sida loosoo xuley baarlamaanka.

Arrimaha amniga ee dalka ayuu sidoo kale ka hadlay madaxweynaha wuxuuna sheegey in ciidamada dowladda ay guuleysanayaan.

Goobjoog News