U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Gaaray Kismaayo Iyo Kulamo Uu La Qaadanayo Madaxda Maamulka Jubbaland

Sheeko:Dalka

ShariifkaMagaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose waxaa goordhaw gaaray madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo.

Garoonka magaalada Kismaayo waxaa wafdigaan kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulkaasi Sheekh Axmed Madoobe.

Soo dhaweyn ka dib waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Labada Madaxweyne, waxaan ugu horeen uljeedka Kismaayo u tageen faah faah faahin ka bixiyay Madaxweyne Shariif Xasan.

Waxa uu sheegay in ugu horeyn arimaha ay u yimaadeen ay ka mid tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya maamulada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, iskaashi dhanka la dagaalanka Al-shabaab, iyo in shacabka ay noqdaan kuwo mid ah.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isna halkaasi kusoo dhaweeyay Shariif Xasan ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay safarka wafdiga maamulka Koonfur Galbeed ee Kismaayo gaaray, isaga oo ka dalbaday in xilli walba sidaan oo kale socdaal ay halkaasi ugu tagaan.

Saacadaha soo aadan waxaa madaxtooyada Kismaayo kulan ku yeelan Doona Madaxda sare maamulada KMG ah ee Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxa ayna ka wada hadli doonaan arimo xiriirka Labada dhinac ah.

Shariif Xasan iyo wafdigiisa caawa waxa ay ku hoyan doonaan magaalada Kismaayo, si kulamada ay u badiyaan, waxaana la filayaa in halkaasi maalinta berrito ay ka amba baxaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News