U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Oo Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Wasiirada Maamulkiisa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif Xassan Sheekh AadanMadaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay magaacabay qaar ka mid ah xubnaha wasiirada maamulkiisa, ka dib wareegto uu soo saaray.

Wareegtadaan oo uu saxaafadda u akhriyay afhayeenka maamulkaasi ayaa waxaa lagu magacaabay afar Wasiir oo kala ah.

1-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha C/raxmaan Ibraahim Aadan

2-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Sheekh Xasan ibraahim Lugbuur

3-Wasiirka Wasaarada Beeraha Maxamed Xasan Fiqi

4-Wasiirka Wasaarada Garsoorka Axmed Sheekh Xasan

Magacaabista ka dib waxaa si kooban hadal u jeediyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay in wasiiradaan looga baahan yahay wax qabad muuqda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan lasoo dhameystirayo xubnaha kale ee ka haray maamulka Koonfur Galbeed, loogana fadhiyo shaqo hufan iyo daacadnimo.

Dhawaan waxaa magaalada Baydhaba ka dhacay heshiis ay wada gaareen maamulka Koonfur Galbeed iyo midka Madoobe Nuunoow ee sheegayay inay maamulaan Lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News