U bood dhigaalka

Madaxweynaha Maamulka Somaliland ayaa bilaabay socdaalo kala duwan oo uu ku kala bixinayo bariga Somaliland

Sheeko:Dalka

Booqashooyinka uu ku tagayo Goboladaasi ayaa lagu sheegay inuu soo ogaanayo dhamaan Magaalooyinka howlaha ka socda isaga oo haatan ku sugan Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer,

Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Somaliland Xuseen aadan Cige (Xuseen Diir) ayaa sheegay in safarkan uu yahay mid lagu ogaanayo shaqada ay dowladu ka hayso gobolada inay dadku ku qanacsan yihiin iyo in kale.

Siilaanyo waxaa uu booqashadan ku tagayaa beriga Somaliland halka afhayeenkiisa uu sheegay in aay aheyn olole doorasho ee ay tahay booqashoi caadi ah.

Madaxweynaha Somaliland waxaa ku wehlinaya safarkiisa Wasiiro, Xildhibaano iyo madax ka tirsan dowladiisa, waxaa kaloo la socota marwadiisa.