U bood dhigaalka

Madaxweynaha Mareykanka oo Booqasho Taariikhi ah ku Jooga Dalka Cuba

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa gaaray jasiiradda Cuba si uu wada hadal ula yeesho dhigiisa dalkaasi Raul Castro

Booqashadan Taariikhiga ah waa markii ugu horeysay oo madaxweyne aqalka cad ka socda uu tago Cuba tan iyo kacdoonkii 1959.

Madaxweyne Obama waxaa la sheegay in uu la kulmi doono Madaxweynaha dalkaasi si ay uga wada hadlaan xiriirka siyaasadeed iyo midka dhaqaale, laakiin lama hubo in uu la kulmayo hogaamiyaha howlgabka ah Fidel Castro iyo in kale.

Obama ayaa gaaray Cuba, waxaa diyaaradda sidoo kale la socday xaaskiisa Michelle  iyo labadooda gabdhood ee  Sasha iyo Malia, reerkan waxaa ay sidoo kale booqdeen qeybaha Taariikhiga ah ee magaalada Havana.

Mr. Obama waxaa uu sheegay in uu aad u xiiseynayo aragtida shacabka Cuba, isla markaana uu maqlo codkooda.

Obama waxaa kaloo uu dib u furay Safaaradda Mareykanka ee dalkaasi, isagoo sheegay in wax badan ay ka tari doonto xiriirka labada dal.