Monday, January 17, 2022

Madaxweynaha Mareykanka Oo Xil Muhiim U Magacaabay Wiil Soomaali Ah

Xamsa Warfaa oo ah muwaadin soomaali-mareykan ayaa madaxweynaha mareykanka Joe Biden u magacaabay latiliye sare oo dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha ee wasaaradda arrimaha dibadda,

Wiilkan ayaa 1990-meeyadii mareykanka ku galay qaxootinimo isagoo hadda ahaa  ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

Lataliye Xamsa ayaa sidoo kale sheegay in uu horay dhowr jeer ula soo shaqeeyay madaxweynaha mareykanka intii uu kuda jiray olalihiisii doorashada, sida uu BBC u sheegay.

“Ma aha markii ugu horreysay ee uu xiriir na dhex maro maamulka madaxweyne Biden, xilligii uu ku jiray tartanka siyaasadda, laga billaabo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-kii, waxaan ahaa la taliyaha dhaqaalaha ee ololihii madaxweyne Biden, marka xiriir hore oo toos ah ayaan la lahaa” ayuu yiri xamse.

Sanadkii 2014-kii, Xamse waxa uu soo jiitay indhaha warbaahinta kaddib markii uu soo saaray buug uu ka qoray sida ay Soomaalida ugu safraan Mareykanka.

Goobjoog News

WARAR DHEERAAD AH

Next Post

Warbixin & Faallo

Qormo & Aragti

Kaydka Goobjoog

Goobjoog

FREE
VIEW