U bood dhigaalka

Madaxweynaha Masar: Biyaha Webiga Nile Waa Nolol Iyo Geeri

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-sisi oo sabtidii ka hadlayey mashaariic uu furayey ayaa wax laga weydiiyay arrimaha biyaha iyo dhismaha  biyo-xireenka“Al-nahda” ee dalka Itoobiya.

Cabdifitaax al-sisi waxaa uu digniin u diray dalalka Itoobiya iyo Suudaan, arrintan waxaa ay imaaneysaa Itoobiya oo mareysa marxaladihii ugu dambeeyay biyo-xireen ay ka dhistay webiga Nile-ka.

Madaxweynaha Masar waxaa uu ka hadlay in arrinta biyaha ay kala hadleen dalalka Itoobiya iyo Suudaan, una sheegeen in biyaha ay ka xigaan nolol ama  geeri.

“Waxaan kala hadalnay walaalaheenna Itoobiya iyo suudaan 3 arrin: waxaa ka mid ah in aan la taaban biyaha, waxaan ku dhahnay wixii hor-u-mar ah waa fahmi karnaa, Laakin hor-u-marintaas waxaa jira in biyaha nolol iyo geeri u yihiin shucuub badan, biyaha ilaahay ayaa abuuray, cidna shaqo kuma leh, kumanaan sano ayey sidaasi ahaayeen, waxaan rabaa in aad is dejisaan”.

Wada hadal u dhaxeeyay 3da dal ayaa burburay todobaadkii hore, lamana oga tillaabada xigta.

Goobjoog News