U bood dhigaalka

Madaxweynaha Mexico ayaa dhaleeceeyay Dalxiisayaal Dalkiisa ah oo Lagu Laayey Masar

Sheeko:Dalka

Enrique Peña Nieto, Madaxweynaha dalka Mexico ayaa dhaleeceeyay dil loo geystay Dalxiisayaal dalkiisa kasoo jeeda oo lagu dilay dalka Masar.

Diyaaradaha Dagaalka Masar ayaa xadka Masar iyo Falastiin duqeyn ugu geystay koox dad ah, dalxiisayaashan la duqeeyay ayey Wasaaradda Arimaha gudaha ee Masar sheegtay in ay ku qaldeen Argagixiso.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in dalxiisayaasha ay la socdeen ilaa 4 gaari, howl-galkan waxaa fuliyay Ciidamo isugu jira Booliiska iyo Militariga Masar.

Duqeynta waxaa ku dhintay 12 qof, waxaa ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.