U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furey xarun lagu tababarayo ciidammada

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 12 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya.

Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka.

“Tani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno cadowga Al- Shabaab uu yahay mid caalami ah oo dalalka dunida ay mar walba nagu garab taagan yihiin. Waxay kaloo tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqbaley dalabkeena’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ay Isutagga Imaaraadka Carabta kala hadleyso mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo la shaacin doono marka la isku afgarto qaabka loo fulinayo.

Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku faraxsan tahay inay kaalin ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, gargaarka aadminimo, dib u dhiska kaabeysaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

Waxaa uu danjiraha intaa ku darey in barnaamijyadaasi la labanlaabi doono, laguna baahinayo dhammaan gobollada dalka.

Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa barbar-socotey qalinjebinta ilaa 300 askari oo muddo afar bilood halkaasi tababar ku qaadanayey.
Dhalinyarada uu tababarka u dhammaadey ayaa halkaasi ku soo bandhigey qaar ka mid ah xirfadaha casriga ah ee ay barteen.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, saraakiisha ciidammada, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale.