U bood dhigaalka

Madaxweynaha oo war-saxaafadeed kasoo saaray booqashada raiisul wasaaraha ee Garowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu maanta booqosho ku tagayaa Puntland, oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan aaminsanahay Soomaaliya oo nabad ah midaysan waxaa la heli karaa oo kaliya marka aan cod midaysan ku hadalno isla markaana fikradaheena iyo dadaalkeena aan ku midayno horumarinta danta qaranka.

Puntland waxa ay hormuud ka tahay dadaalka federaalaynta dalka.

Booqashadan waxa ay qayb ka tahay sida ay nooga wada go’an tahay in aan si joogta ah isu dhagaysano isla markaana uwada tashano si Xukuumadda Federaalka noogu wada adeegto. Waxaan ku amaanayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland dadaalkooda. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu 12 Oktoobar kala qayb gali doonaa dadweynaha iyo hogaanka Puntland munaasabada dabaaldega Maalinta Calanka Soomaaliyeed.

Maanta caqabada badan ayaa na horyaala balse waxaan lee nahay dhabar adeeg aan kaga gudubno. Dadaalkeena iyo Ana oo kaalmaysanayna Ilaah waan awoodnaa Soomaaliya in aan ka dhigno wadan nabadeed 2016.