U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Oo Warqadihii Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub Ee India

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.

Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Danjiraha cusub in dowladda Soomaaliya ay iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn u fidin doonto inta ay ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda, isagoo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda India sida ay ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale soo dhoweeyay dhambaal ay Danjire Durai ka sidday Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi oo ahaa in dowladdiisa ay Soomaaliya u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan, sida iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada.

“Aad baan ula dhacsanahay xiriirka wanaagsan ee nagala dhexeeya India. Dhowaan markaan tegey New Delhi, waxaa uu Ra’iisul Wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, kaas oo aan aaminsanahay inuu muhiim u yahay Soomaaliya oo u baahan dib u dhis iyo maalgashi. Waxaan haatan sameysmaya sharciyadii maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, waxaana gacmo furan ku soo dhoweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada India inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Suchitra Durai, ayaa iyana dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horeeya ee ay Soomaaliya ka caawin karaan ay ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada, iyo in labada dhinac ay isla daraaseeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Waxay intaa ku dartey in labada dal ay haystaan fursado ay ku abuuri karaan iskaashi mira-dhal ah oo shacabka labada dal ay ka manaafacaadi karaan.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

–DHAMMAAD—