U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas Oo Ka Warbixiyay Safar Uu Ku Tagay Itoobiya Iyo Waxyaabihii Dowladaasi Uu Kala Soo Hadlay (War-saxaafadeed Iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Gaas1Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey safar shaqana ugu maqnaa dalka Ethiopia ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u fara badan isugana jiray rag iyo dumar kuna labisnaa calanka Soomaaliya iyo Kan maamulka Puntland ayaa iyaguna ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdiga balaaran ee uu hogaaminayey.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa warbaahinta qeybaheeda kala duwan shir jaraa’id oo uu kaga warbixinayo safarkii shaqo ee uu dalka dibadiisa ugu maqnaa ugu qabtay madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

‘’Aad baan ugu faraxsanahay in dalka aan dib ugu soo laabto weliba isaga oo nabad ah wanaagsana, muddo asbuuc ah ayaan dalka Ethopia ku maqnaa gaar ahaan adis-ababa oo aan u aaday safar shaqo oo la xiriira dhanka nabadgelyada, ganacsiga labada dal howshaasina si fiican ayey noogu soo dhammaatay’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waxaan rajeynaynaa dhawaan in kastamkii uu hirgalo labada dhinac ganacsigii iyo xiriirki uu si xawli ah u bilowdo, runtii waxaan is leeyahay labada dhinacba faa’iido weyn ayaa ugu jirta si ganacsatadeenu ay u helaan suuqa hada jira mid ka weyn’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Iskaashiga nabadgelyada labada dhinac iyana meel wanaagsan ayey maraysaa waana iska kaa shanaynaa cadowga midka ah ee aanu wada leenahay ‘’Ayuu hadalka raaciyey Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in meel wanaagsan ay marayso in maalgashi caalami ah laga samaysto Puntland islamarkaana ay yimaadaan shirkado ganacsi oo waaweyn kuwaasi oo ay ka faa’iidaysanayaan shacabka Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Email : [email protected]

Gaas3

Gaas2

Gaas1