U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland “Ciidamadeena Waxay La Wareegeen Goobihii Lagu Dagaalamay Galgala”

Sheeko:Dalka

GaasMadaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dagaalo maalmahan ka soconayay buuraha Galgala, kuwaasi oo dhexmaraya ciidamada maamulka iyo dagaalyahanada Al-shabaab.

Gaas ayaa sheegey in dagaalkani uu yahay wajigii labaad, iyada oo wajigii hore uu ahaa 27-dii illaa 29-kii bishii Diseember ee 2014-ka, kaasi oo sida uu sheegey ay ku dileen 34 dagaalyahanada Alshabaab, 17 dhaawac ah, kuna qabsadeen deegaanada sida Mashadoon iyo Dhagax Babur.

Wajiga labaad ee dagaalka ayaa biloowdo 3-dii bishani Janaayo, socdey illaa 6-da Janaayo oo maanta ah, wuxuuna Gaas sheegey in dhinaca kale ay oga dileen illaa 20, 29 kalana ay kaga dhaawaceen.

Cabdiwali ayaa intaasi ku daray in ay la wareegeen deegaanada kala ah Guri Xoor, Dhagax Dheer, Guul Dharkeen iyo Din Digleed, kuwaasi oo dhamaantood ah meelihii lagu dagaalamay ee buuralayda Galgala.

Dhanka Alshabaab ma jiraan wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay, isku dayo xiriiro lala sameeyana waa ay suurogali waayeen.

“Firxadkooda wuxuu aaday gobolada waqooyi ee Soomaaliya, waxaa fiicnaan lahayd in dariskeena aan iska kaashano la dagaalanka kooxahani” ayuu yiri Gaas oo ula jeeda maamulka Somaliland.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay is garab taagaan maamulka, islamarkaasina taageero siiyaan ciidamada si buu yiri looga itaal roonaado Alshabaab.

Puntland ayaa sanadkii hore sheegtey in ay soo afjartay dagaalada Galgala, islamarkaasina la wareegtey deegaanadaasi, sidaasi oo ay tahay haatan dagaaladii ayaa dib usoo labo kacleeyey, una muuqda kuwa soo xoogeysanaya.

Markii Cabdiwali Gaas loo doortey xilka sanadkii hore, waxyaabihii ugu horeeyey ee uu sheegey ayaa waxaa ka mid ah in hawlgalada ciidamada ee ka socda Koonfurta Soomaaliya ay horseedayaan in dagaalyahanada Alshabaab ay usoo baxsadaan dhanka Puntland, isaga oo soo jeediyey in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo meelaha xuduuda ah ee ay Puntland la wadaagto Soomaaliya inteeda kale.

Dagaalada Galgala ayaa ah kuwa muddo sanooyin soo jirey, waxaase xusid mudan in hogaamiyihii dagaaladani bilaabin Sheekh Maxamed Siciid Atam uu haatan isku soo dhiibey dowladda Federaalka ee Soomaaliya, dhawaana Qaramada Midoobey ay ka qaaday cunaqabatayn saarneyd. Sidaasi oo ay tahay dagaaladii Galgala waa kuwa halkooda kasii socda.

Dhageyso

Goobjoog News