U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland “Hadii Maamulka Hawada Xamar Laga Rarayo Garoowe Hala Keeno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

GaasMadaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kaa oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Cabdiweli Gaas oo u waramayay VOA ayaa ugu horeyn sheegay in uu soo dhaweynayo dadka Soomaaliyeed ee heshiiska wada gaarayo, hase ahaatee qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay ayuu ku sheegay in qaarkood ay dhaliilsan yihiin.

Heshiiska u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, waxa uu sheegay in uu ahaa mid Sedax geesood ah, islamarkaana meesha ay ka maqan tahay maamulka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar wax laga su’aalay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas arimaha ku aadan maamulka Hawada Soomaaliya, ayuu sheegay in taasi ay tahay qodobka ugu daran oo ka maamul ahaan dacwo ka yihiin, isaga oo sheegay in Hawada Soomaaliya ka hadalkeeda isaga uu bilaabay xilligii uu ahaa wasiirka qorsheynta, islamarkaana haatan aanay ahayn mid ay ku go gortamaan dowladda Federaalka iyo maamulka Somalilan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

‘’Qodobka Hawada Dacwo ayaan ka qabnaa,Barnaamijka Hawada anniga ayaa bilaabay markii aan ahaa Wasiirka Qorshaynta, 2011-kii bishii May ayaa Wasiiradu isugu tageen Nairbi, heshiisku wuxuu ahaa saddex Geesood u dhexeeyay Puntland,Soomaaliland iyo Soomaaliya, muddo ayuu Barnaamijku shaqaynayay, goor dambe ayaad moodaa in loo wareejiyay Soomaaliland iyo Soomaaliya , marka arrintaa iyada ah walaac ayaan ka qabnaa, Hawada Soomaaliya ayaa la leeyahay haloo wareejiyo Somaliland, waxa lagu heshiin karo waa in hawada Soomaaliya loo soo raro Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, hadiiba la leeyahay Hargeysa loo wareejinaa maxaa loogu wareejin wadahadalka Sedax geesood ayuu ahaa, waxaan leeyahay sidii waagi hore ahaan jirtay in laga dhigo, laakiin hadii Xamar laga raraayo Garoowe Hala Keeno’’Ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada Puntland.

Dhanka Kale Cabdiweli Gaas ayaa soo hadal qaaday qodobka kale ee heshiika ku xusan kaa oo ah in si toos ah loo guda galo ka hadalka arimaha masiirig ah.

‘’Arrimaha ku saabsan Masiirka Soomaaliya,cid gaar ah oo xil gaar ah ka saaran yahay, ma noqonayso bari ama bisha dambe Mudane ka wada hadli karaan oo kaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Siilaanyo ,arrimaha Masiiriga ah waa arrin Soomaaliya oo dhan khusaysa, cid gaar ah oo arrintaan Maroorsan karta oo ku Tagrifali karta ma jirto, tusaale arimaha ku saabsan Sool, Sanaag Iyo Cayn waa wax taabanaya masiirkeena anaga ayeeyna na quseysaa”

Dalka Jabuuti waxaa dhawaan ka dhacay heshiis ka kooban Lix qodob, kaa oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

Goobjoog News