U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxa Amniga iyo Badbaadinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo kulan wada qaatay (Sawiro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Puntland ee Garoowe ku Qaabilay Madaxa Amniga iyo Badbaadinta UN-ka ee Soomaaliya (UNDSS) Mr. Marcus Cully iyo Wafdi uu hogaaminayey.

Kullan gaar ah oo Gaas iyo Mr.Marcus Cully wada qaateen ayaa waxa ay uga wada hadleen dardar gelinta wada shaqeynta u dhaxeysa Puntland iyo xafiiska Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya ee UNDSS.

Sidoo kale waxaa kullankaasi looga hadlay Xoojinta amniga Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, waxana uu Mr.Marcus Cully  Puntland ku aamanay sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo kor u qaadida
amniga hay’addahaasi.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Amniga iyo Badbaadinta UN-ka Soomaaliya (UNDSS) Marcus Cully ayaa isku afgartay kor u qaadista tababarka iyo aqoonta Ciidanka Booliska Puntland (SPU) oo ah ciidanka ilaalada Hay’addaha caalamiga ah, waxana uu shirkaasi ku soo dhammaaday jawi wanaagsan.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

IMG_4425 IMG_4432 IMG_4437 IMG_4439 IMG_4441