U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Labada Dhinac

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehlinayaan xubno ka mid ah wasiirada maamulkiisa ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya waxa uu kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dowladaasi oo ay ka wada hadleen arrimo u badan xiriirka Puntland iyo Itoobiya.

Gaas ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo waxyaabihii ay ka wada hadleen ay ugu badneyd siyaasadda Soomaaliya iyo sidoo kale arrinta ku aadan nidaamka Puntland ay diiddan tahay ee 4.5.

Sidoo kale Gaas ayaa la kulmay taliyaha ciidamada Milatariga dalka Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta amniga xuduudaha iyo iskaashiga dhanka ciidamada.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Cabdiweli Gaas uu la kulmo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya  Hailemariam Desalegn oo arrimo u badan siyaasadda Soomaaliya ka wada hadli doonaan.

Puntland ayaa diiddan nidaamka 4.5 ee la doonayo in lagu soo xulo baarlamaanka soo socda ee dowladda Soomaaliya, waxaana jirtay dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in Puntland ay kaga dhaadhiciso qaadashada go’aankaasi.

 Goobjoog News