U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Baaq u Diray Madaxda Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in waqtigooda la dhaafin doorashooyinka la filayo in sanadkan 2016 ay dalka ka dhacaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa si gaar ah ugu baaqay Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliyeed in ay waqtiga yar ee dhiman ay uga faa’iideyaan shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ka shaqeeyaan hirgelinta doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona bilaha August iyo September sidii lagu heshiiyey shirarkii Madasha  watashiga qaran.

Soomaaliya ayuu sheegay in xilligaan u baahan tahay isbedallo ka dhacay iyo shacabka inay helaan dowlad awood badan oo dalka iyo dadka wax u qabata.

Dowladda hadda jirta ayuu sheegay in dalka ay meel soo gaarsiisay, islamarkaana meeshaasi la doonayo inay kasii waddo dowladda cusub ee la dhisi doono.

Sanadkaan ayaa la filayaa in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka baarlamaanka iyo midda madaxweyne ee Soomaaliya.

Goobjoog News