U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Dhagax Dhigey Dhismaha Garoonka Boosaaso (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

gaasMadaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta oo Khamiis ah dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha magaladda Bosaso.

Kulan lagu dhagax dhigayay garoonkaasi oo lagu qabtay isla garoonka ayaa waxaa ka qayb galay madaxwayne Gaas, Wasiiro, Xildhibaano DFS ka socday, shirkadda dhisaysa garoonka iyo masuuliyiin kale.

Dr.Cabdiwali Gaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhismaha garoonkan oo qayb ka qaadan doono korarka dhaqaalaha Puntland, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo dib u dhiska wadanka sida dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxwaynaha ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay u lee dahay dhismaha garoonka Bosaso.

Dowladda Kuwait ayaa waxay sidoo kale 10 malyan oo doolar ugu deeqday dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe iyo Jamacadda Maakhir ee magalada Baran.

Puntland ayaa waxaa ka socda mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha sida garoomada, waddooyinka iyo buundooyinka, waxaana inta badan mashaariicdani maalgalinaya wadamada deeqda bixiya.

Dhageyso

Goobjoog News