U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Gaaray Dalka Jabuuti+Sawirro

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.

Safarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka.

Halkan Ka Eeg Sawiradda Madaxda Puntland Ee Gaaray Dalka Jabuuti

Goobjoog News