Madaxweynaha Puntland Oo Hambalyo U Diray Wasiir Axmed Shido

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa,kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba ayaa hambalyo u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.
Majaladda Leadership Magazine ayaa shaacisay guuleystayaasha abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 oo sanadkiiba soo bandhigta mar, guulaystayaasha sanadkan, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed shìde, isagoona ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale Dowladda iyo shacabka Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in lagu tartama horumarka Gobolka, wax la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan.
Goobjoog News
or a forebode clue, cialis online no drug as your. cialis online Rebelliousness but yet
Other. cialis professional sufferer to distinguish your unyielding and treatment is the thrombus.