U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Isbedel Ku Sameeyay Maamulka Mudug, Kalana Diray Golaha Deegaanka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isbedel ku sameeyay maamulka gobolka Mudug, kan Gaalkacyo iyo sidoo kale taliska booliiska gobolkaasi.

Waxa uu magacaabay guddoomiye ku xigeennada gobolka Mudug, guddoomiyaha KMG ee magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale taliyaha Booliiska gobolkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Gaas ayaa kala diray golaha deegaanka Gaalkacyo, waxaana wareegto uu soo saaray amar ku bixiyey in muddo 7 cisho gudahooda ah lagu soo dhiso xubno cusub oo gole deegaan ah.

Madaxweyne Gaas ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo, waxaana shacabka magaaladaasi uu la lahaa wada tashi ballaaran, kadib amniga Gaalkacyo oo faraha ka baxay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada

Wareegto1

Wareegto2

Goobjoog News