U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Sababta Ay u Aqbaleen Nidaamka 4.5

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayey TV-ga ku hadla afka maamulkiisa ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in Puntland ay ka tanaasusho mowqifkii ay ku deedaneyd 4.5.

Gaas ayaa sheegay in wada hadallo maalmo badan qaatay oo ka socday magaalada Garoowe loo soo bandhigay maamulka Puntland Seddax arrin oo kaliya in ay mid qaataan, islamarkaana ay heshiis in la gaaro aqbaleen.

Qodoboda ayuu ku sheegay Gaas:-

“ In aan Soomaaliya ka go’no , taasina waxay ka hor imaanaysaa ujeedadii iyo hadafkii loo dhisay Puntland. wax maslaxad Puntland iyo mid Soomaaaliyeed ay ku jirtana maaha,  kala go’ cusubi wuxuu wiiqayaa meeshana ka saarayaa dawladnimadii iyo jiritaankii Soomaaaliya”

“In 4-ta sano ee soo soco ta aan ka harno geeddi socodka doorashooyinka , masiirka Puntland-na ay la wareegaan cid aan ehel u ahayn . sidoo kale arrintani waxay abuuri kartay jahwareer iyo walaahow siyaasadeed Puntland gudaheeda iyo
Soomaaaliya dhexdeeda. Buuq siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah anagoo ku jirna waqti xasaasi ah wuxuu keeni karay in ay wiiqanto midnimada Puntland”

“ Iyo in aan galno heshiis u qalma Puntland kuna qotoma miisaankeeda siyaasadeed iyo doorkii ay ku lahayd hogaaaminta Soomaaliya”

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa Seddaxdii bishan waxay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Goobjoog News