U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Kulan Gaar ah La Qaatay Madaxdii Martida Ku Aheyd Garowe

Sheeko:Amniga

Kulan dooceed ayaa waxaa habeenimadii xalay magaalada Garowe ku yeeshay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ah martigeliyaha shirka aragtiwadaag iyo madaxda matalaysa DFS iyo Musharraxiinta.

Kulanka ayaa waxaa uu yimid kadib markii madaxdaan uu qado sharaf uu u sameeyey madaxweyne Deni, waxaana si kooban looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka maadama is aragaan uu gooni ka ahaa shirka.

Madasha cashada ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxdii hore ee dalka sida Madaxweyne Xasan Sheekh, Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ah musharaxiin u taagan qabashada xilka madaxweynaha dalka.

Waxaa kale oo kulanka goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo Mahdi Guuleed oo labaduba shirka aragtiwadaag ku matalayo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana weli sii socda shirka Garowe ee doorashada.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan intii shirka uu socday in madaxda isku timid ay sii qabsadeen guddiyo kuwaas oo sii wada kulamada si isfaham looga gaaro arrimaha ku gadaaman doorashooyinka oo la isku hayo.

Musharaxiinta oo lagu daray maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa jiro arrimo ay cabasho ka wadaan ku aadan doorashooyinka sida guddiga doorashada iyo arrinta gobolka Gedo oo kamid arrimaha Jubbaland tirsanayso.

Goobjoog News