U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La Xisaabtan Ah Magaalada Garoowe Kula Leh Wasiirada Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Gaas3Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa haatan ka soconaya kulan baraalan oo ku aadan la xisaabtan iyo wax ka dhageysi wasiirada maamulka Puntland, taasi oo uu ka dhageysanayo madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kulankaan waxaa ku sugan wasiirada maamulkaasi, waxaana goobjoog ka ah Mr Gaas iyo sidoo kale dad ka socda Bulshada deegaanada maamulka Puntland.

Wasiirada ayaa ugu horeyn waxay ka hadlayaa waxqabadkoodii ku aadanaa mudada ay shaqeynayeen, gaar ahaan sanadkaan dhamaadka ah, iyo sidoo kale waxyaabaha u qorsheysan sanadka soo aadan ee 2015.

Marka wasiir walbo laga dhageysto hadalka ama waxyaabaha uu soo jeediyo waxaa su’aalo uu kala kulmayaa madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, taas oo ku aadan shaqadooda.

Waa kulankii ugu horeeyay ee noocaan ah, islaamarkaana ka dhaca magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Gobalka Nugaal.

Hadaba kulanka oo socda wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News