U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo sharci darro ku sheegay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sharci darro ku sheegay mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay keeneen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa carrabka ku dhuftay in mooshinkani yahay mid laga leeyahay dano gaar ah, isaga oo sheegay in xilligaan baarlamaanka looga baahan yahay arintaasi in ay ka fiirsadaan.

Mooshinkaan ayuu sheegay in caqabad uu ku noqday shaqooyin badan oo horyaala dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena caqabad ku yahay hiigsiga 2016.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in xilligaan aanu shacabka Soomaaliyeed dan u ahayn mooshin ku saleysan musuq maasuq, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay xaliyaan khilaafka xilligaan dhexdooda ah, lagana fikiro aayaha dambe ee shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News