U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor oo Furay Kalfadhiga 5-aad Ee Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowladda goboleedka  Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhigii shanaad ee golaha wakiillada Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb ee caasimadda u ah maamulka.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda furitaanka ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeysay saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka.
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga.
May be an image of 3 people, people standing and indoor
May be an image of 1 person, standing and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 4 people, people sitting and indoorMay be an image of 7 people, people sitting and indoorMay be an image of 4 people, people sitting and indoorMay be an image of 5 people, people sitting and indoorMay be an image of 6 people, people standing and indoorMay be an image of 4 people, people sitting and indoorMay be an image of 4 people and people standingGoobjoog News