U bood dhigaalka

Madaxweynaha Shiinaha oo Soomaaliya ugu Hambalyeeyey Xuska 60 Sano Guurada Xornimadeeda

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhambaal hamalyo ah u soo diray dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo uu ugu hambaleeyey dabaaldegga xuska 60 guuradii ka soo wareegatay xornimada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Shiinaha Xin Jinping oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka ayaa dhambaal u qoray madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Jarmaajo,isagoo ugu hambaleeyey munaasabada xuska 60-guurada xornimada Soomaaliya,isagoona Soomaaliya u rajeeyay horumar”. ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dadaalkii iskaashi ee dwoladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay u galeen ka hortagga fiditaanka cudurka Covid-19,kaasi oo dunida oo dhan saameeyey,wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka guuleysan doonto sidii ay uga taxadiri lahayd fiditaanka cudurkaasi oo halista ah.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Shiinaha Xin Jinping a ayaa sheegay dowladda  Shiinaha ay sii wadi doonto taageeradeeda Soomaaliya oo dhan kasta leh,isagoo intaasi ku daray in labada dal ay sii xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya.

Goobjoog News