U bood dhigaalka

Madaxweynaha Siiriya Oo Sheegay In Uu Gacanta Ku Dhigayo Dhulka Dalkaasi Kaga Sugan Yihiin Mucaaradku

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al-asad ayaa sheegay in uu damacsanyahay in guud ahaan uu gacanta ku dhigo dhulka dalka Suuriya ay ka maamulaan mucaaradku.

Wareysi uu siiyey wakaladda wararka ee AFP ayuu wacad u kumaray in mucaaradka uu ka sifeyn doono dalka Siiriya inkastoo uu xusay ku lug la haanshaha xaaladda dalkiisa ee dalalka Ajaanibta ah ay keeneyso in waqti ay qaadato in mucaaradku ay guul dareystaan.

Quwadaha caalamka ayaa isku raacay in ay gadaal ka riixaan xabad joojin waarta oo ka dhacda dalka Suuriya.

Warka Madaxweynaha Siiriya ayaa imaanaya iyadoo Qaramada Midoobay ay rajo wanaagsan ay ka muujinayaan in gargaarku uu gaaro goobaha hareereeysan ee dalkaa Afar iyo Labaatanka saac ee soo socota.

Mr. Asad ayaa sheegay in uu taageersanyahay wadahadalada nabadda , balse waxa uu sheegay wadaxaajoodku aan loola jeedin in la joojiyo dagaalka lagula jiro Argagixisada sida uu sheegay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka Mark Toner ayaa xusay  in Asad uu qiyaamo damacsanyahay haddii uu u maleynayo in xal military lagu dhammeyn karo arrimaha Siiriya .

In kabadan 250,000 oo ruux ayaa ku geeriyootay dagaalada Siiriya ka olalaya halka 11 million ay ku barakaceyn Shantii sano ee la sooo dhaafay.

Goobjoog News