U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto ku magacaabay maareeyaha guud ee hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland.

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol ayaa xilkaan loo magacaabay, wuxuuna madaxweyne Biixi uu wareegtadiisa ku sheegay in shaqsigan uu kasoo bixi karo waajibka la saaray, leeyahayna aqoonteeda.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada:

Xafiiska Madaxweynaha

Sum: JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017 Taar:17 December, 2017.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.