U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaliin Caafimaad Loogu Sameeyay Imaaraadka Carabta

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegayaa in qaliin lagu sameeyay isaga oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deyr oo wariyeyaasha kula hadlay Hargeisa  ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo ay wanaagsan tahay, isla markaana uu maray qalliin yar.

“Madaxweynuhu Jimcadii la soo dhaafay ayuu dalka ka dhoofay, dalka Imaaraadka gaar ahaan magaalada Abuu Dubai ayuu safar ku tagay, madaxweynuhu guud ahaamba waxuu galay baaritaan caafimaad oo guud ahaan caafimaadka madaxweynaha lagu hubinayay”

Afhayeenka oo sii hadlaya waxaa uu yiri“Wax dhibaato ah kama aysan soo bixin caafimaadka madaxweynuhu boqolkiiba boqol wuu wanaagsanyahay, kaliya dhaqtarada waxay ku taliyeen in qabsin laga saaro, qabsankiina hal maalin ka yar ayuu galay  waana laga saaray caafimaadkiisana aad iyo aad ayuu u wanaagsanyahay “

Xuseen Deyr waxaa uu ka hadlay hadda waxaa uu Siilaanyo qabanayo “Guud ahaan howlihii uu madaxweynaha  qaranka u hayay  iyo xilalkii mas’uuliyaddi uu dastuurka qaranka farayay ayuu halkiisii ka wadaa galabtana wuu kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda imaaraadka carabta”.

Isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Qaliinka madaxweynaha maahan sida lagu sheegayo warbaahinta maalin kaliya ayuu ahaa oo Check Up ah  taasina waxaa ka soo baxday in lagama maarmaan ay tahay in laga saaro qabsinka,qabsinkana jeexitaan maahanee laysar sistam ayaa lagaga saaray madaxweynuhu waa uu caafimaadka qabaa wax dhibaato ahna majiraan”.

Goobjoog News