U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland“Waxaanu samayn doonnaa sharciga Dawooyinka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay horumarin-doonnaa caafimaadka dalka gaar ahaan Isbitaallada ay dawladdu gacanta ku hayso isla markaana ay samayn doonnaan sharciga dawooyinka dalka “National Drug Act”.

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta kormeer ku marayay wasaaradda caafimaadka ayaa yidhi; waxaanu samayn doonnaa sharciga dawooyinka dalka (Naitonal Drug Act).

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in ay dib u cusboonaysiin doonaa sharciga caafimaadka ee Somaliland.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in caawimooyinka dhanka caafimaadka ee hay’adaha shisheeye ay bixiyaan ay tahay wax laga maarmi karo isla markaana aan loo baahnayn cashuur laga soo qaaday Yuhuud iyo Budhiisam sida uu yidhi.

“Waxaynu qabnaa in aynaan innagu is bixin karayn dal ahaan oo waxba qabsan karayn waxaynu qabnaa in mar walba aan nidhaahno wasaaradda caafimaadka hay’adi ha daryeesho waa arrin la yaableh. 26 sano ku jiri mayno hay’ad wax inna siisa hay’aduhu lacagta xaggee ka keennaan? Hay’aduhu waxay keennaan waa cashuur ay bixiyeen dad ajinabi ah oo aynaan isku diin ahayn, hay’aduhu waxay keenaan sadaqo dad kiristaan, yuhuud iyo budhiisam ay bixiyeen waxaan qabaa inaynu heli karayno waxay hay’aduhu bixiyaan..”

Goobjoog News