U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Soomaaliya oo dib u howl geliyay Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed

Sheeko:War

[huge_it_slider id=”54″]

Guddiga Sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo shalay gelinkii dambe kulmay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Kulankan oo uu shir-guddoon ka noqday  maxadawaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda Umadda  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga dooday qodobo ay ka mid yihiin manhajka Jaamacada, kuliyadaha ugu horeeya ee ay yeelanayso, miisaaniyadda jaamcadda,  iyo qodoba kale oo muhiim ah.

Wasiirka wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamad oo kulanka kadib la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay furitaanka Jaamacadda iyo go’aanadii ka soo baxay shirka guddiga sare ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed uu si rasmi ah u furay Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in laga bilaabo maanta ay jaamacaddu furantahay.

Furitaanka Jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed 24-sano kadib ayaa qayb ka ah dadaalada ay dowladda Federaalku ku horumarinayso tacliinta dalka, iyadoo kuliyadaha kala duwan ee jaamacaaddaasi ay hore uga aflaxeen kumanaan qof oo  Soomaaliyeed.