Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay madaxtooyada dalka Kenya dhiggiisa William Samoei Ruto.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, amniga, dhaqaalaha , maalgashiga iyo arrimo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeya xilka cusub ee loo doortay William Samoei Ruto, kadib caleemasaarkii madaxweynaha Kenya ee shalay.



