U bood dhigaalka

Madaxweynaha Suudaan Oo Ka Qeyb-galaya Shirka Trump Iyo Madaxda Carabta

Sheeko:Dalka

Dowladda  Sacuudiga ayaa u yeertay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir si uu uga qeyb-galo shirka Trump Iyo Madaxda Carabta.

Al-bashiir waxaa doon dooneyso maxkamadda dambiyada caalamiga ah, waxaa horay 2009-kii loogu eedeeyay in ciidamadiisa ay Daarfur ku dileen 2003-dii in ka badan 3000 oo dadka deegaanka ah.

Dowladd Sacuudiga ayaa Al-bashiir ka codsatahay inuu ka soo qeyb galo shirmadaxeedka u dhaxeeya hogaamiyaasha dowladaha Islaamka iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Balse ilaa iyo hadda lama oga in madaxweyne Al-bashiir uu xaadiri doono shirmadaxeedkaan iyo in kale maadaama ay maxkamadda dambiyada caalamiga ah uu agteeda uu ka eedeysanyahay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu booqdo maalinta Sabtida ah ee soo socota dalka Sacuudiga, waana safarkii ugu horreeyay ka dib doorshadiisii .

Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu shirmadaxeedka uu ka jeediyo khudbad loogu magac daray rajadiisa ku aadan aragtida Islaamka.

Goobjoog News