U bood dhigaalka

Madaxweynaha Tanzania oo Sheegay in Wadankiisu Ka Xuroobay Covid-19

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha waddanka Tanzania John Magufuli ayaa ku dhawaaqay in waddankiisa “uu ka xoroobay coronavirus” wuxuuna u mahad celiyay shacabka duceynayay.

“Cudurka corona waa laga tirtiray waddankeenna, Alle ayaana mahad leh,” ayuu yiri Mr Magufuli oo la hadlayay dad ku cibaadeysanayay kaniisad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Dodoma.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa walaac ka muujisay sida ay dowladda Tanzania u maareyneyso cudurka Covid-19.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Mr Magufuli ayaa joojisay macluumaadkii joogtada ahaa ee lagu sheegi jiray halka ay marayaan kiisaska fayraska corona ee dalkaas.

29-kii bishii April, oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee xogta cudurka ku saabsan lasoo saaray, tirada kiisaska Tanzania waxay ahaayeen 509, halka dhimashaduna ay mareysay 21 ruux.

Hase yeeshee, Mr Magufuli wuxuu sheegay in isbuucii lasoo dhaafay cudurka laga helay 4 bukaan oo kaliya, kuwaasoo lagu daweynayay magaalada ugu weyn waddankaas ee Dar es Salaam.

Goobjoog News