U bood dhigaalka

Madaxweynaha Tunisia oo xasaanadda ka xayuubiyay baarlamanka.

Sheeko:Amniga

Fiidnimadii Axada, Madaxweynaha Tunisia Qeys Saciid Ayaa soo saaray go’aan uu xilka uga qaadayo raiisul wasaare Hishaam Al-Mashishi.

Mr saciid ayaana kadib kulan deg deg ah oo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada iyo kuwa nabadsugida waxa uu go’aansaday in “la joojiyo shaqada baarlamaanka, lana qaado xasaanada xildgibaanada” isagoo tilmaamay in go’aankan ay ahayd inuu qaato bilo ka hor. Madaxweynaha Tunisia ayaa intaa ku daray inuu sidoo kale go’aansaday inuu la wareego awooda fulinta isagoo kaashanaya ra’iisul wasaare cusub oo uu magacaabayo.

Shalay booliska caasimada, Tunis, iyo magaalooyin kale oo dhowr ah waxay isku dhaceen mudaaharaadayaal ku baaqayay in xukuumadda ay xilka ka degto iyo lakala diro Baarlamaanka.

Hase ahaate Hogaamaayimaha xisbiga XARAKA AL NAHDA ahna Afhayeenka baarlamaanka Tunisia Rashiid Qanuushi ayaa ku eedeeyey madaxweyne Qeys Saciid inuu baal kacdoonkii Tunisia iyo dastuurka, kadib markii uu ku dhawaaqay halinta hawlaha baarlamaanka iyo xil ka xayuubintiisa ka dhanka ah xukuumada.

“Waxaan u tixgelinaynaa hay’adaha dastuuriga kuwo wali taagan, taageerayaasha Elnahda iyo shacabka Tunisia waxay difaaci doonaan kacaanka,” me qanuushi hogaamiyaha xisbiga Alnahda, ayaa sidaa usheegay Reuters.

Isla Fiidnimadii Axada wax uun kadib go’aankii madaxweynaha ee uu xasaanada kaga xatuubiyay baarlamanka, gawaarida ciidamada Tunisia ayaa isku gadaamay dhismaha baarlamaanka Tunisia Mas’uuliyiinta Tunisia waxay qaadeen tallaabooyin adag oo amniga ah agagaarka baarlamaanka, iyadoo muuqalo lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen koox gawaarida gaashaaman ee militariga iyo xubno ka tirsan ciidamada amniga oo hor taagan xarunta sharci dejinta, iyadoo go’aadamada madaxweynaha ay soo dhoweynayaan dad waddooyinka isugu soo ururay.

Laba goobjooge ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dadka meesha isugu yimid ay ku dhawaqayeen heeska calanka tunisia waxayna sido kale ku luuqeynayeen heeso ay ku amaanayaan ciidanka madaama gawaaridooda ay hareereeyeen xarunta baarlamaanka.