U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga  Oo Booqanaya Kenya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Turkiga  Recep Erdogan ayaa la filayaa in galabta oo Arbaco ah uu soo gaaro magaala Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo ay ku soo dhaweyn doonto wasiirka arrimaha dibadda Amina Maxamed.

Afhayeenka Madaxweynaha Kenya Manoah Esipisu ayaa Capital FM u sheegay in soo dhaweyn rasmi ah madaxweyne Recep Erdogan loo sameyn doono maalinta khamiista ah.

Labada Madaxweyne ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo Turkiga Recep Erdogan ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimo dhowr ah sida: Qaxootiga, Maalgeshiga, waxa loogu yeero argigixisada, arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale.

Goobjoog News