U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga Oo Maanta Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo Jimco ah 3-da June, 2016 waxa uu imaanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Mr Erdoğan waxaa safarkiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo qoyskiisa, iyadoo soo dhaweyntooda looga diyaar garoobay guud ahaan magaalada Muqdisho.

Amniga magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada oo dhan lagu soo daadiyey ciidamo amniga suga.

Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in madaxweyne Erdoğan kusoo dhaweeyaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xariga ka jari doona dhismaha safaaradda cusub ee Turkiga ka furatay magaalada Muqdisho.

Safarka Erdoğan ku imaanayo Muqdisho waxa uu noqon doonaa kiisa Saddexaad oo uu dalka ku yimaado, isaga oo hadda soo maray dalalka Kenya iyo Uganda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News