U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga Oo Sheegay In Caruurta Oo La Kala Fogeeyo Ay Tahay Shaqada Dadka aan Muslimiinta  Aheyn.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in waxa loo yaqaano family planning ama caruurta oo la kala fogeeyo ay tahay shaqada dadka aan Muslimiinta aheyn.

Madaxweynaha Turkiga oo maanta Istanbul ka hadlayey ayaa ku dhiirigeliyay qoysaska dalkiisa in ay caruur badan dhalaan.

“Dadka waxaa ay ka sheekeeyaan dhalmada oo la xakameeyo, arrintaas waxaa fahmaayo dadka aan Muslimiinta aheyn” ayuu intaa ku daray.

Madaxweynaha iyo xaaskiisa waxaa ay leeyihiin labo wiil iyo labo gabdhood, bishan waxaa gabadhiisa yar ee Sumeyye guursaday Selcuk Bayraktar.

Gabadhiisa weyn ee Esra, waxaa ay u dhaxdaa wasiirka Tamarta Berat Albayrak, 3 caruur ah ayey dhashay.

Dadka Turkiga waxaa lagu qiyaasaa ilaa 78.741 million, 2000 wixii ka horeeyay waxaa ay ahaayeen 68 million.

Goobjoog News.