U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga Oo Si Kulul Uga Hadlay Qarax Xalay Ka Dhacay Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in uu jilbaha dhulka u dhigi doono dad uu ugu yeeray in ay argagixiso yihiin kadib weerar xalay ka dhacay magalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga halkaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 34 ruux.

Erdogan ayaa sheegay in baabuurka miineysnaa ee dadka laayey uu sii kordhinayo un in ammaanka dalka Turkigu sii adkaado ciidamaduna ay galaan feejignaan dheeri ah.

Qaraxa dadka laayey ayaa ka dhacay degmada  Kizilay oo muhiim u ah isku socodka gawaarida magalada Ankara.

Dadka dhaawacmay  ayey dowladdu ku sheegtay in ay gaarayaan 125 ruux oo qaarkood dhaawacyadoodu daranyihiin.

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaa  Efkan Ala ayaa sheegay in baaritaanka la soo gaban gabeyn doona isniinta maanta ah lana sheegi doona magacyada dad weerarkan ka dambeeyey.

Ma jirto illaa iyo hadda koox sheegatay weerarkii xalay ka dhacay magalada Ankara inkastoo dowladda Turkigu ay ka shakisan tahay ururka PKK oo ay dowladda Turkiga is hayaan.

Mucaaradka kurdiyiinta ayaa dalka Turkiga horay uga fuliyey dhowr weerar bishii lasoo dhaafay, waxaa sidoo kale Ankara horay u beegsaday Kooxda dowladda Islaamiga ah.

Goobjoog News